Ma ogtahay?

 


1.     Ma ogtahay in aduunku jiro 4.6 bilyan (4.6 billion years old) oo sanadood?
2.     Ma ogtahay dagaalkii ugu yaraa aduunka in uu socday 38 daqiiqo uuna dhexmaray boqortooyada ingiriiska iyo sansibaar (Britain and Zanzibar) taariikhdu markay ahayd 27/08/1896?
3.     Ma ogtahay in beni aadamku uu la wadaago hidesideyaashiisa (DNA) 60% geedka muuska, halka uu xadiyo badan oo kalena uu la wadaago xayawaanada kale, dhirta lafteedana uu la wadaago wax badan oo hidesideyaal ah?
4.     Ma ogtahay in maalinta meeraha VENUS ay ka dheertahay ama badantahay sanadka meeraha VENUS. Maalinta meerahan Venus waxay la midtahay ama u dhigantaa 243 maalmood oo ah maalmaha meeraha dhulka ee aynu ku noolnahay halka sanadkiisuna u dhigmo 225 maalmood oo ah maalmaha meeraha dhulka?
5.     Ma ogtahay xayawaanka kangaruugu in uusan awoodin in uu dibdib u socdo, waxaana u sabab ah dibkiisa dheer iyo qaab dhismeedka jidhkiisa?
6.     Ma ogtahay wadnaha nimiriga buluuga in uu aad u waynyahay xididadiisa halbawlaha ahina uu qof beni aadam ahi ku dhex dabaalan karo, culayskiisuna gaadhi karo culays baabuurta yaryar?
7.     Ma ogtahay sanka beni aadamku in uu xasuusan karo 50,000 carafood ama urood oo kala duwan, dareen wadaheena urtu waa uu ka awood badanyahay sida aynu rumaysanahay?
8.     Ma ogtahay in aad soo jiidan ogtahay kaneecada hadada dhawaan cuntay muuska, carafta midhaha aynu cuno ayaa soo jiidan kara cayaayanadan?
9.     Ma ogtahay noolaha ilma aragtayda ah (bacteria) ee ku nool afka qofka beni aadamka in uu ka badanyahay tirada dadka aduunka ku nool oo dhan?
10.  Ma ogtahay xayawaanka hanbabarada ee badda ku nooli in uu leeyahay magacyo gaara oo isugu Waco ama yeedho sida dadka oo kale wuxuuna sameeya dhawaq foodhida oo kale si gaarana ay isugu yeedhaan sida magacyada beni aadamku isugu yeedhaan oo kale?
11.  Ma ogtahay jidhka qofka beni aadamka in uu ka samaysanyahay ku dhawaad 37.2 tirilyan (trillion) oo unugyo ah?
12.  Ma ogtahay in falaadhaha quraxdu ay dhulka ku soo gaadhaan wakhti dhan 8 daqiiqo iyo 20 ilbidhiqsi?
13.  Ma ogtahay in xidida dhiiga ee jidhka beni aadanku ay gaadhaan masaafo dhan 60,000 oo mile?
14.  Ma ogtahay in qudhaanjadu qaadi karto wax 50 jibaar ka badan miisaanka jidhkeeda?
15.  Ma ogtahay in baranbarada hadii madaxa laga jaro ay sii noolaan karto mudo dhawr isbuuc ah?
16.  Ma ogtahay in oxygenta aduunka 20% ay soo saaraan kaymaha Amazon?
17.  Ma ogtahay in xaaxeeyadu (snails) ay saddex sano  seexan karto?  Xaaxeeyadu waxay u baahantahay qoyaan si ay u noolaato oo waxay awood u leedahay in ay gasho xaalaf jiif-qoyan ama baraf-jic ah (hibernation) si ay tamar u kaydsato xiliyada qalalan ama abaarta ah?
18.   Ma ogtahay in octopus-ku uu leeyahay saddex wadne iyo dhiig buluug ah? Laba wadne ayaa dhiigga u dhaqaajiya sambabada, midna jirka intiisa kale. Dhiiggooda wuxuu leeyahay walax ku saleysan naxaas oo loo yaqaan hemocyanin taas oo ka dhigta buluug?
19.  Ma ogtahay in malabku uusan waligii xumaannin? Saynisyahannadu waxay ka heleen dheri malab ah qabriyada Masaaridii hore kuwaas oo in ka badan 3,000 sano jirsaday oo wali fiican lana cuni karo?
20.  Ma ogtahay in ay jirto nooc jellyfish ah oo la dhaho ( Turritopsis dohrnii ) si bayooloji ahaan aan u dhiman karin? waxay dib ugu noqon kartaa qaabkeedii carruurnimada kadib marka ay qaangaarto, taasoo macnaheedu yahay inay si aan dhammaad lahayn u noolaan karto?

4 Comments

  1. Wax badan baad noo faidaysay , Mahadsanid mudane!

    ReplyDelete
  2. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  3. Mancha allaH Xog badan iyo Xasuusin.

    ReplyDelete
Previous Post Next Post