Gabaygii Xisaab Maqan




Gabaygan oo uu tiriyay abwaan Jaamac-bile Cismaan taariikhdu markay ahayd 4/1/2019 sida magaciisa “Xisaab Maqan” laga dhadhansan karo waxa uu ku saabsan yahay afar arrimood iyo qodob shanaad oo ah rajo abuur iyo jihaynta reer SSC.

Qodobbadu waxa ay kala yihiin

1.     Waxgalka Soomaaliyeed ee marka reer SSC deegaankooda u qalab qaataan in ay ka didiyaan Soomaali-diidka yidhaahda dhiig Soomaaliyeed yaan la daadin iyaga oo garab u ah gardarro doonka sababtoo ah, qofkii dhex-dhexaad ka noqdo laba qof oo is haya waxa uu la jiraa gardarraalaha.

2.     Dadka yidhaahda qabyaalad baad uga jeeddaa gabayada aad dadkaa ku guubaabinayso

3.     Hagrashada dawladda Soomaaliya ku hayso dadka reer SSC iyada oo reer SSC ay isu xil saareen ee ah shaqada ugu wayn ee dawladda Soomaaliyeed looga baahnaa in ay ka shaqayso, balse taas baddalkeeda ay dawladda Soomaaliya naasnuujin u samayso Soomaali-diidka.

4.     Hagrashada iyo Hoosaasinta ay maamulka Puntland ku hayeen dadaalladii kala duwanaa ee loosoo maray midaynta dadka reer SSC.

5.     Ugu dambayn abwaanku waxa uu muujinayaa sida dadka reer Puntland iyo reer SSC aysan u kala maarmin ayna mar uun iyaga oo walaalo ah bulsho ahaan midoobayaan deegaanka SSC-na uu soo galayo gacanta reer SSC iyada oo bulshada reer Puntland-na ay ka qayb qaadan doonaan halgankaas.

Xisaab Maqan 4/1/2019

  1. Murti gabay ah maansiyo tiraab miidda geeraarka
  2. Mucda faallo maashee tiraab hadallo miisaaman
  3. Maan tuujis meegaar abwaan mahadho suugaan ah
  4. Maax shubanta maahmaah cuddoon maamin iyo sheegid
  5. Tix la mahadsho maamulidda gabay maanyo tirinteeda
  6. Madadaalo uma aanan odhan maarashiyo tookhe
  7. Marinkiisa waan toosiyaa maara-waaga ahe
  8. Afgarooc ha maagmaago ama maansa booligu
  9. Marraa waa xid suugaantu waa meeriskaan idhiye
  10. Maqaawiirtii Soomaalidiyo miiddii baan ahaye
  11. Sida madida hoobaan ayaan soo maggaabaaye
  12. Ma huraan naflaa’igu kolkaan meeristeed galo’ e
  13. Mudda dheer gablool baan ahaan maaqurraan kicin
  14. Xalay baan mirkacay oo hurdiyo maagay jiifkiiye
  15. Maankiina galiyoo tixdaa meelkastaba geeya
  16. Madashaa Garoowiyo Nugaal hawdka marinsiiya
  17. Mudug iyo sanaag iyo xadeed uunka maqashiiya
  18. Xeelliga ha meeraysatee mooska bariga geeya
  19. Cidna yaanay moogaanin waa mahadho suugaane
  20. Haddii aan intaa meeriyoo marag usii yeelo
  21. Alleylehe mid loo guuxay baan maandhe sheegaaye
  22. Muska bari manjaha koonfureed, maaxda buuhoodle
  23. Maaggeeda soomaali way minan wadaagtaaye
  24. Kala maarmimaysoo waqeed waysu muhataaye
  25. Malko qudha mareeg kaliya bay maandhow leedahaye
  26. Muuqeeda meeshay gashiyo magaca sooyaalka
  27. Inay meel u wada jeesataan maamiyaa abid
  28. Miscil qudha inay leedahaan maanka ku hayaaye
  29. Hayeeshee mas’alo taaganoo maangalaan odhane
  30. Mashaqada dhexdeena ah kolkii magantu aynfaado
  31. Nabad lagu macaashiyo kolkii mudantu naafawdo
  32. Xadhiggii marooqsamay hadduu meelna qaban waayo
  33. Runta lagama maarmee kolkaa way macaantahaye
  34. Miskiin iyo midkii daalimiyo meehanaw tuuga
  35. Maaleeyo kii qooshay waa laga maroojaaye
  36. Midkii micigabaarrey wadaa laga majiiraaye
  37. Kolkaasaa maslaxo dhalanaysaa lagu macaashaaye
  38. Mihiibtiisa kii laga dhacana maalkii wuu heliye
  39. Arartaasi waa mihindis iyo mahadhadaydiiye
  40. Milge gabay murtidii laygu habay waa Mullaaxdii
  41. Mas’aliyo muraad dihin haddaan idin magaabsiiyo
  42. Kala madhidda kala miiriddiyo meelo kala gaynta
  43. Mid dhawaynta minan goosadkiyo kala masaafaynta
  44. Qabiil maagga reer magansigiyo qaar miciinsiinta
  45. Mareeg xidhadka mudan sheegashada muuqashada faanka
  46. Mariid qooshka midab sooca iyo kala mihiibsiinta
  47. Midnimaan ka doorbiday inaan milil u dooxaaye
  48. Hayeeshee madluumkii dulmiga lagu malaandeeyay
  49. Nin la mooraduugiyo miskiin maalkii laga qaaday
  50. Mid aan muuq aqaaniyo midkii magaca ii sheegta
  51. Mid ii dhow midkii meel fog iyo maylal ii jooga
  52. Maldaha iyo maagmaagashiyo moosiddiyo beenta
  53. Kuma meehanaabee xaqaan meel lagayaaye
  54. Madax iyo mas’uulkii ah iyo kii la maamulayo
  55. Runtaan ugu miciinaa dhammaan maalin iyo layle
  56. Masalka iyo maragaygu waa meeriskaan idhiye
  57. Manqixiyo murtida gabayga waan kuu malmalayaaye
  58. Maskaxda iyo maankaba gashoo gole u maageera
  59. Dal masaynta midow doonka iyo meel isugu keenka
  60. Maxas korinta maatada dayacan milic kasoo awdka
  61. Milgo doonka milil tuurka iyo sharaf masaalaynta
  62. Gar masaynta meehaal filadka iyo midig walaalaynta
  63. Marti soor magool bixinta iyo maanic kala saarka
  64. Anigaa u miiggane xilkaa maahir waa gabay’ e
  65. Kii lagu majeertiyo waxaa moosay odaygii
  66. Muraadkiisii buu dhowrayaa inuu maggaabshaa
  67. Muska iyo miscilishayda iyo minanka aan joogo
  68. Manno laguma qabo hawsha aan saaray madaxayga
  69. Mashaqiyo mur deebaaqa iyo mayllimo afaysan
  70. Dushayday ka mawlaynasaa micigabaarrey
  71. Midow doonka soomaaliyeed mayllin igu reeb
  72. Manno kagama sugo iyo inay madhax isiiyaan’e
  73. Masaartiyo mindida iyo kolkaan waranka miisaamo
  74. Manjo qabasho madax goyn ayay igu malooqaan
  75. Midnimada ninkii loo diree loo madiixaayay
  76. Tafaraaruq kii maaggan buu midigta saaraa
  77. Mutuxaadda is maqiiqa iyo milil dhunkaal siinta
  78. Makri falidda miil dooxashada marin habaabsiinta
  79. Maxaadh galinta midaw diidka iyo qaar mihiibsiinta
  80. Moohaar bixinta moroh jeexa iyo qaar maggaabsiinta
  81. Malmal qooshka malax iyo dhunkaal malabku sheegeedda
  82. Miciin beena milgo tiridda iyo maagiddiyo tookha
  83. Misbaax tiridda mood guradka iyo moorif siinteeda
  84. Midow diidka kala mooska iyo meelo kala gaynta
  85. Ma mooggani muskaa bari siduu ii mahoobiyaye
  86. Walaaluhuna ma kala maarmayaan magan Ilaahay e
  87. Midnimada kuwii curin lahaa maalin la arkee
  88. Mar haddaanan madaxwayne iyo mudane ii joogin
  89. Matalaad wasiir iyo haddii madaxna aan waayay
  90. Dhallinyaradu waa inay midnimo muujiyaan cudud
  91. Isimmada la maamuusay ee aan milgaha saaray
  92. Waa inay masiirkii bulshada madhax u yeelaan
  93. Oo ay cadaawaha ku mamay dhiigga mudantayda
  94. Waa inay muquunniyo awood madal u yeelaan
  95. Millatari dagaallami yaqaan maalin lays galay
  96. Maarayn wasaariyo wixii maamul dawlo ah
  97. Waa inay hoggaan maaro leh oo miiggan dooraan
  98. Haddii aan intaa muujiyay oo mayga ka caddeeyay
  99. Waxba yaan mas’uul baad tihiin lay maqmaqashiin
  100. Waxba yaan maqaawiir cuddoon maanka lay galin
  101. Muusanawga beenta ahna yaan laygu malafsiin
  102. Guryo wada muraayadana yaan laygu meelayne
  103. Meecaad Ilaahay baxsho iyo mawle amarkiisa
  104. Mar uun baan is wada muujinoo meel u wada jeesan
  105. Malko qudha intaan jeexdo baan qaadayaa marin
  106. Ninkastana siduu ii makalay waa xisaab maqan!!!!!!


Post a Comment

Previous Post Next Post